Wasiirka Caafimaadka iyo Masuuliyiin Kale oo Furay Adeegyo Cusbitaalka guud ee Hargeysa lagu Kordhiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa Xadhigga ka jaray qaybo Cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo ay weheliyaan  Wasiirrada Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Wasiir Ku-xigeennada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha guud ee Caafimaadka iyo Marti-sharaf kale, ayaa Kormeer ay ku mareen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka.

Kormeerkooda, ka dib waxay xadhigga ka jareen Mishiinnada Ogsajiinta amma Neefta dhaliya ee Cusbitaalka, Qaybta Doobbiga oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo Dharka iyo Agabka Bukaanka Cusbitaalka. Intaas ka dibna waxay u gudbeen Qaybta Maskaxda oo dib u habayn lagu sameeyey.

Ugu horreyn waxa halkaas Masuuliyiinta Warbixin ku siiyey Agaasimaha Cusbitaalka guud ee HargeysaDr. Axmed Cumar Askar, waxaanu sheegay in Mishiinnada Ogsajiinta dhaliyaa si wanaagsan u shaqaynayaan, isla markaana illaa Boqol Haamood oo kuwa Neefta loo adeegsado ah ay soo saaraan amma dhaliyaan, taas oo muhiimad u leh badbaadinta Dadka naqasku qabto, wakhtigan lagu jiro xaaladda xanuunka Covid-19 oo ku fidaya dalka.

Warkaas oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com.

Hargeysa/Somaliland.