Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Qarax weyn oo aad u xoogan ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fogfog ayaa lala beegsaday gaadhi uu la socday Xoghayaha maamulka degmada Deyniile xili uu marayay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta degmada Deyniile.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hasa ahaatee uu qaraxaasi ka badbaaday Xoghaye Mahad Sharaawe oo ahaa masuulka lala eegtay qaraxaasi, balse waxa halkaas kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Afar ruux oo shacab ah oo wadada marayay ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxa waxaana ku dhaawacmay qof kale sida ay xaqiijiyeen dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.