Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Waa Masuul Ku Dayasho Mudan

Maxamuud Siciid Ciyoon Gudoomiyaha gobolka sanaag ayaa mudooyinkii u danbeyay ka waday gobolka sanaag barnaamijyo lagu hormarinaayo gobolka tan iyo markii loo magacabay gobolka sanaag mr ciyoon waxa uu ku guuleesatay inuu ka shaqeeyo hormarinta gobolka Hadii ay tahay waxbarashada cafimaadka wadooyinka IWM  

 

     Mr Ciyoon   ayaa ah masuul ku dayasho mudan oo uu xadhko xidhay sidii uu bulshadiisa uu ugu shaqayn inta laga warqabo waxa uu kuguleestay kuna soo kordhiyay gobolka mashaariico ay iska kashanyaan bulshada gobolka iyo Dawalda uu wakiilka uga yahay Gobolka sanaag kuwaaso oo ay ka mid yihiin

Dayactirka garoonka Diyaaradaha Ee magaalda badhan Sidoo kale Dhistaanka Garoonka kubada cagta ee magaalda badhan waxa markii ug horeesay magaalda badhan laga dhisay saldhiga ciidanka booliska gobolka sidoo kale waxa hospitalka badhan uu lagu soo kordhiyay UNBULUS aan noceeda oo kale aanay joogin gayiga somalidu degto tan oo ay ku caawisay dawalda kuwait 

sidoo kale Gudoomiyaha gobolka sanaag waxa uu ku guuleestay in Degmada Badhan lagu soo Daro Masharuuca GPLJ oo ah masharuuc dhaqaale lagu siiyo degamooyinka Maxamuud Ciyoon Gudoomiyaha Gobolka sanaag intuu xilka hayay waxa markii ug horeesay Magaalda Badhan ama guud ahaanba Gobolka sanaag laga hirgaliyay Jaamacada Loogu magaca daray Maakhir Unversal Taaso Ay imka dawalda Kuiwt Ku Bixisay Dhaqaale Aad u badan 

Dhanka wadooyinka Waxa maamulka gobolka Qurba joogta iyo bulshada qaybaheeda kala duwani Bilaabeen Wado Isku Xidhaysa Badhan Ceeldoofar iyo ceerigaabo

 

Sidoo kale waxa uu qayb libaax leh kaga jira dhiirigalinta dhalinyarada gobolka sanaag taaso uu gudoomiyuhu u dhigo koobab lagu dhiirigalinayo dhalinyarada gobolka isla markaana lagala dagaalmaayo In dhalintu ku dhiirto Afooyinka Tahariibta iyo qabyaalda 

Bulshada Ku Dhaqan gobolka sanaag ayaa waxa ay Masuulkan ciyoon ay ku tilmaameen Masuul Ku Dayasho Mudan oo ah Masuulka Kaliya Ee Si Hagar La’aan ah u guta Hawliisa Shaqo iyada Oo ay Masuulkan Ay Dhinaca Kale ay Bulshadu Ku Si Faysay Masuul ay la Garab Tagan Yihiin Hii Iyo Hooba.

Mohamed Bashir Nur Giriig

Nuur_Giriig1@hotmail.com

Aftahan News