Somaliland: Wasaarada Ganacsiga oo Amaro ka soo saartay Shidaalka Qaaliyoobay

Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga
Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa amar culus ka soo saartay kor u kaca ku yimid Shidaalka, iyadoona ay wasaaradu jaangoysay qiimaha la siin karo shidaalka Somaliland yimaada.

Cabdiraxmaan Maxamed Muxumad, agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga ayaa sharaxay amarada ay ka soo saareen qiimaha shidaalka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga
Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga

“Qolada soo dajisa waa in ayna dhaafin naaftada $106.15, halka batroolkuna uu noqonayo $111.92, waxana loogu talo galay in ay ka faa’iidan calaa foosto $2.5” ayuu yidhi agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsigu.

“Waa in ay tafaariiqlayda foostada naaftada ah kaga iibiyaan $16.15, halka loo saray baatroolkana $3 oo ay kaga iibin doonaan $122.42”.

“tafaariiqluhuna wuxuu litirka naaftada ah ku iibinayaa $0.62 oo u dhiganta 5200 oo shilin, halka uu ku iibinayo batroolkana $0.66 oo u dhiganta 5600 oo shilin” ayuu hadalkisa sii raaciyay agaasimuhu.

Agaasimaha ayaa sheegay in foostada naaftada ahi ay tafaariiqlayda kuso gaadhayso $124.65, halka foostada baatroolka ahina ay kusoo gaadhayo $132.42.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxu sheegay in gobolada fog fog ee Sool iyo Sanaag ay $2 ku kordhayaan halka $1 ku kordhayo gobolka Awdal.

Saddexdan gobol ee aynu sare kusoo xusnay waxa qiimaha foostada kordhinaya madama oo ay dakadda ka fogyihiin, oo nooligu ka badanyahay gobolada kale.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.