Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya oo Go’aan gaadhay

Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya
Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada barlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabtay hotel Jazeera, waxay guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyeen inuu daba ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo qalalaase ay madaxtooyada dabada ka riixayso.

Sidoo kale, xildhibaanadda ayaa sheegay in ciidamada NISA ee barlamaanka la geeyay ay dil ugu habjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeedheen muddo kordhin sharci darro ah.

Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya
Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya

Dhinaca kale, xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegidoonaan xarunta barlamaanka islamarkaana ayna u joojin doonin go’aanka lagaga mamnuucay fadhiyada soo soccda.

“Shirka berri waan tagaynaa, warqada dhiiggeena lagu banaystay ee askarta loo dhiibay, wiixii nagasoo gaadha waxaa si shakhsiyan ah masuuliyaddeeda u qaadi doona guddoomiye Mursal,” ayuu yidhi xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanada waxay sheegeen in aanu jirin xeer guddoomiyaha u oggolaanaya go’aanka uu soo saaray, waxayna tilmaameen awoodda kaliya uu guddoomiyuhu leeyahay in ay tahay inuu xiro fadhiyada haddii uu buuq yimaado.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.