Puntland oo maanta Bilowday Bixinta Tallaalka Covid-19

Puntland oo maanta Bilowday Bixinta Tallaalka Covid-19
Puntland oo maanta Bilowday Bixinta Tallaalka Covid-19

Garoowe (Aftahannews) – Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta degnaanadeeda ka bilowday tallaalka xanuunka Covid-19, waxaana daahfuray wasiirka caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud.

Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa laga bilaabay qaadashada tallaalka, iyadoo la geeyay ku dhawaad 50 xarumood islamarkaana ay wasaaradda caafimaadku u diyaarisay kooxo u tababaran bixintiisa.

Puntland oo maanta Bilowday Bixinta Tallaalka Covid-19
Puntland oo maanta Bilowday Bixinta Tallaalka Covid-19

Masuuliyiin badan oo Puntland ayaa tallaalka ku qaatay xarumahooda, kuwaas oo shacabka ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan tallaalka Covid-19 oo la aaminsan yahay inuu kor u soo qaadaya difaaca jidhka.

Wajiga hore ee tallaalka ayaa loogu talagalay inay qataan dadka safka hore oo ay ka mid yihiin shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada Booliiska, Dadka waaweyn ee qaba Sonkorta iyo dhiig karka.

Talaalka ayaa socon doona 10 bari waxaana wajiga labaad uu bilaaban doonaa bisha May ee sanadkan.

Tallaalka ay maanta bilawday Puntland ayaa ka kooban 40,000 oo dose, marka dadka loogu talagalay dhameestaan ayaa loo oggolaan doonaa in bulshada kale la siiyo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.