Hay’adda Tayo Dhowrka Badeecooyin oo 30 Sano Kaddib Soomaaliya dib looga furay

Hay'adda Tayo Dhowrka Badeecooyin oo 30 Sano Kaddib Soomaaliya dib looga furay
Hay'adda Tayo Dhowrka Badeecooyin oo 30 Sano Kaddib Soomaaliya dib looga furay

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay ‘hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya’ taas oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka Soomaaliya soo gala.

Dhismaha hay’addan waxaa ka soo shaqeysay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal uu baahiyey xafiiska ra’iisal wasaare Rooble.

Hay'adda Tayo Dhowrka Badeecooyin oo 30 Sano Kaddib Soomaaliya dib looga furay
Hay’adda Tayo Dhowrka Badeecooyin oo 30 Sano Kaddib Soomaaliya dib looga furay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo goobtii daah-furka hadal ka jeediyey ayaa faahfaahiyey muhiimadda ay leedahay hay’addan oo mas’uul ka noqon doonta dajinta siyaasadaha, dhaqan-gelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cunnooyinka iyo badeecadaha la keenayo Soomaaliya.

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm, laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliya in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee Soomaaliya la soo galinayo.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliya ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cunnooyinka iyo badeecooyinka kala duwan oo ay caalamka ka soo iibsadaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.