Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo eedaymo Kulul is-weydaarsaday

WASIIRKA QORSHAYNTA SOOMAALIYA JAMAAL MAXAMED XASAN 2021
WASIIRKA QORSHAYNTA SOOMAALIYA JAMAAL MAXAMED XASAN 2021

Muqdisho/Garoowe (Aftahannews):- Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in rasaas iyo qoryaha darandoorriga u dhaca oo ay ciidammada Puntland u adeegsadeen Dad si nabadgelyo ah ugu bannaanbaxayey magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

WASIIRKA QORSHAYNTA SOOMAALIYA JAMAAL MAXAMED XASAN 2021
WASIIRKA QORSHAYNTA SOOMAALIYA JAMAAL MAXAMED XASAN 2021

Dadka Bannaanbaxayey, ayaa sitay Boodhadh ay ku qornaayeen hal-ku-dhegyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaas oo ay Puntland ku tilmaantay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aan loo baahnayn wakhtigan oo lagu jiro xaalad adag oo siyaasadeed oo xal u baahan.

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, ayaa hadalkiisa ku sheegay in Puntland ay hore u xidh-xidhay Weriyayaasha ay haatana Dadka rayidka ah u adeegsanayso xabbad, si loo cabbudhiyo in ay dareenkooda muujiyaan.

Masuuliyadda is-hortaagga Bannaanbaxayaasha reer Puntland, ayuu Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaanu ku dooday in lagula xisaabtami doono tallaabadaas Madaxweyne Dani.

Geesta kale, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani, ayaa ku eedeeyay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr. Jamaal iyo Madaxweyne Farmaajo in ay abaabuleen bannaabaxa si ay fowdo uga kiciyaan Dhahar. Hase-yeeshee, aanay wax u qabsoomin sidii ay rabeen Masuuliyiintaasi.

Guddoomiyaha Degmada Dhahar Cabdifataax Maxamed Salaad oo isna warbaahinta gudaha la hadlay, ayaa sheegay in kacdoon laga soo abaabulay Muqdisho oo ay masuul ka tahay dowladda federalka Soomaaliya ay iska caabbiyeen amma ka hortageen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.