Hayyaay! Cinwaanku waa qaylo dhaan ee tolow maxaa qaylada keenay?

W/Q Xamse Cumar Ku-joog . Wuxuu ka shaqeeyaa haayad dalka ka hawl gasha .. waxa uu qaataa mushahar aad u fiican marka loo eego dhalinta asaagii ah ..  waxa u dheer gaadhi lagu sii qaado oo lagu soo qaado iyo waliba fasax sannadeedyo anay helin shaqaalaha dalku.

XAMSE CUMAR-KU-JOOG

Inta badan waxa lasiiyaa tababaro kala duwan oo shaqadiisa la xidhiidha iyo qaar kaloo aan xidhiidh lalahayn. Wuxuu ii sheegay in Islaan reer Kenya ah ay dhawaan dalka timi si ay u bixiso tababar, wax cusub maaha in qof dibada ka yimi uu shaqaalaha siiyo tababar oo waa arrin dabiici ah laakin markan hawshu way ka duwan tahay oo  Islaantani waxay bixinaysaa tababar ku saabsan. “SIDA LOO ISTICMAALO CONDOMKA MARKA GALMO XAARAAN AH LA SAMAYNAYO.”

Dadka dhagaysanayaa waxay kakala socdaan haayado dhawr ah, waxay isugu jiraan waayeel dhalinyaro rag iyo dumarba. Waxa uu ii sheegay in ay gabadhaasi tusaysay sawiro aad u foolxun iyo waliba muuqaallo daawasho ah oo ku saabsan isticmaalka bacdaas galmada xaaraanta ah loo isticmaalayo, Tolow dadkaasi miyaanay ahayn qaar dareen ku abuuran yahay?!

Waxaan waydiiyay inay jirto cid arrinkaas ka dhiidhiday oo meesha dadkaa kala jinsiga ah la isugu keenay hadana xumaanta intaa leeg lagu wada daawadsiinayo ka hadashay oo diiday inay jirto.. Waxaannu iigu jawaabay saaxiib Siminaarka lacag ayaa lagu qaataa.” Yaa ka masuul ah haayadahan tirada badan ee dalka u jooga wax aan la garanayn?

Akhlaaq xumada intaa leeg iyo kuwa ka badan ee dhaca miyaa la moog yahay mise indhahaa laga qarsanayaa? Waxa cad in qaarkood u yimaadaan gaalaysiin iyo wax la hal-maala maxaa qorshe ah tolow?

Qofka isagoo arkaya ka aamusaya ma lacagta yar ee uu cunayo ayaa kala qiimo badan diintiisa iyo dhaqankiisa?

Tolow lacagta ay qaadanayaan ee ay cunayaan xukunkeedu muxuu noqonayaa?

Allow sahal amuuraha

Xamse Mustafe C Cumar Kujoog

Hamze2008@live.com

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.