Soomaaliya oo Caalamka Ka Codsatay Dhaqaale loogu gurmado Dad Abaar & Cunto yari Waajahay

Muqdisho (aftahannews):- Dawladda Soomaaliya, ayaa Qaylo-dhaan u dirtay Dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ah, si kaalmo deg-deg ah ula soo gaadhaan Dad gaadhaya 2.7 Milyan oo Qof, kuwaasi oo waajahaya Cunto yari.

SOMALILAND BIYO LA'AAN IYO ABAAR SAAMAYSAY DEGMADA DACARTA 2018
SOMALILAND BIYO LA’AAN IYO ABAAR SAAMAYSAY DEGMADA DACARTA 2018

Qoraal Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Soomaaliya 22-kii bishan March, 2021 u dirtay Dawladaha gargaarka bixiya, ayaa lagu sheegay inay Abaari soo wajahday Dad tiradoodu gaadhayso 2.7 Milyan, kuwaasi oo ku kala nool Gobollada Soomaaliya qaarkood iyo Somaliland, sida qoraalka ku cad.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Roobabka gu’ga la filayey inay da’daan horraanta bisha Afraad ee sannadkan, laakiin ay muuqato Xaalad Abaareed, meelaha qaarkoodna horeba looga soo qaylo-dhaamiyey sida Jubbaland, Gedo iyo Somaliland, sidaasi darteed Dawladda Soomaaliya ay ka codsanayso gargaar deg-deg ah Dalalka Qaadhaanka bixiya, si loo Samato-bixiyo Dadka waajahaya Xaalad bani-aadamnimo oo culus.

Dadka ay Dawladda Soomaaliya sheegtay inay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin waxa qaarkood ku nool yihiin Somaliland, laakiin Qoraalka loo diray Beesha Caalamka Gobol ama deegaan gaar ah laguma xusin.

Qoraalka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Soomaaliya, ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay Soomaaliya waajahayso Xaalad kale oo culus, taasi oo ah xanuunka Covid_19, kaasi oo faro-baas ku haya Dadka.

Ugu dambayn, meelo badan oo ka mid ah Somaliland waxa xilligan ka jirta Xaalad Abaareed, siiba Gobollada Bariga Dalka, kuwaasi oo durba laga bilaabay biyo dhaan, si loo samato-bixiyo, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa iyaduna Toddobaadkii hore Xaaladda Abaarta kaga hadashay Shirkii Golaha Wasiirrada, waxaana Shirkaa qodobbadii ka soo baxay ka mid ahaa in dib loo soo celiyo Guddigii Qaran ee Abaaraha.

Source: Geeska Afrika.