Muuse Biixi Haduu Sidaa Tartanka U Jecelyahay Muxuu U Diidanaa In Lagula Tartamo Kursiga Guddoomiyaha?

Salaan qaali ah oo ku socota shaqaalaha shabakadan iyo dhammaan reer Somaliland. Horaa loo yidhi balaayo aan kaa qoslin balaayo maaha waxaa shard cisho ka dib markii uu dhamaaday shir beeleedkii Kulmiye ee qaabka darani durtaba soo shaac baxaya wixii laqarinayey ee uu qudhunku ku jiray dildilaaca xisbiga beelaha ku dhisan ee Kulmiye.

Guddoomiye-Muuse

Maaha mid qarsoomaya xiligan oo ay dadkuu dhami u jeedaan digtaatoriyada qabyaaladaysan ee ay ku dhaqmayaan beelaha ku heshiiyey in ay hoos ahaan wax u qaybsadaan oo aanay cid kale ku wehelin hogaaminta xisbiga iyo dalkaba xilalkii sare oo dhan waxey noqdeen lama taabtaan Gud xisbiga oo looga hadhay Muuse Biixi oo weliba lacag loogu daray ka koowaad oo isna sida ay shaxdu ahyed loo daayey.

Muuse Biixi hadii ay dhab ka tahay tartan xalaala oo xor ah maxaa u diiday dhawr cisho ka hor in uu madaxiisa badka soo dhigo sidii raga lagu yiqiin sidii uu madaxweyne Riyaale isaga oo haysta xilka wax kooban doorasho xalaala qabtay oo uu calafkiisa ka qaatay taas oo ah kalsoonida ka maqan Muuse Biixi iyo dhamaan reer Kulmiye oo aan ku kalsoonayn doorasho in ay wax ku helayaan waana sababta ay had iyo jeer uga doorbidaan shir beeleed iyo wax ummada dib u celinaya bal u fiirso xiligii Cigaal wuu ka diiday shir beeleed oo ay rabeen Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Ta kale ee iyana mucjiso ku ah dad badan Muuse Biixi oo aan hore maalqabeen lagu aqoon wax hantina lahyn halganka hortii shaqona wakhti kooban oo uu marxuum Cigaal u ahaa wasiirka arrimaha gudaha xilkaas oo uu ku fashilmay  hadaba muwaadin waxaa isweydiin leh ninkan aan wax shaqo ah qaban ugu yaraan dhawr iyo labaatan sano xaguu lacagta ka keenaa mise waa khasnada dowlada oo loo isticmaalayo xoolaha dadweynaha in lagu naaxiyo siyaasiyiin ku fashilmay nolosha halkuu Muuse ka keenay lacagta ka badan million dollar ee ku baxday shir beeleedkii Kulmiye waxaa halkaas ka cad in cashuurta masaakiinta loo isticmaalayo si qaldan jawaabteedana ha la wediiyo Siilaanyo iyo Salaame.

Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh

Guuleed Buraan

Email.gburaan@gmail.com

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.