Qaramada Midoobay oo Sheegtay inaanay Soomaaliya ka Aqbalayn Muddo-korodhsi iyo Doorasho aan loo dhammayn toona

DANJIRE James Swan

Muqdisho(aftahannews):- Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Beesha caalamku aanay taageeri doonin muddo-kordhin loo sameeyo Hay’adaha muddo-xileedkoodu dhammaaday ee Soomaaliya, hannaan doorashooyin is-barabar socda oo aan loo dhammayn iyo kuwa hal dhinac ah midna.

DANJIRE James Swan
DANJIRE James Swan

“Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Goor sii horreysay oo maanta ah, ayaa xogahayaha guud ee QM Antonio Guterres waxauu qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay is-mari waaga siyaasadeed ee ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in is-mari waaga sii daba dheeraaday uu halis ku yahay xasilloonida Soomaaliya.

“Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowladahaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay yeeshaan wadahadal oo ay si dhakhso leh u qabtaan shir-madaxeedka la qorsheeyay si shuruud la’aan ah, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda ku aaddan geedi-socodka doorashada ayna wada-ogol uga gaaraan waddada loo marayo hore usii socoshada. Wuxuu soo dhaweynayaa sida ay uga go’antahay madaxda Soomaaliyeed meel-marinta hanaanka doorasho ee 17kii Sebtember, wuxuuna ugu baaqayaa inay si dhakhso leh ugu heshiiyaan hirgelin dhakhso leh oo la hirgeiyo hanaankaas iyo qabsoomidda doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac dambe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay afhayeenka QM.

Baaqyada beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo si loo dhan yahay uu u qabsoomi waayey kulan lagu waday inuu 22-ka bishan Afisyoone uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kadib markii ay qaadaceen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo kala hoggaamiya Jubaland iyo Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto saddex qodobo ka hor inta aanu shirku billaaban.

Qodobaas ayaa kala ah in amniga goobta la sugo, in madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada, iyo inay shirka joogaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.