Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Maalgashiga Bangiga Adduunka ee IFC oo Heshiis kala Saxeexday

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Hay’adda Iskaashiga Maaliyadeed ee Caalamiga ah xubin ka ah Bangiga Adduunka, iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kala saxeexday heshiis ku saabsan horumarinta iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan (PPPs) ee kaabaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo kobaca dhaqaalaha.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dooneysaa ina soo jiidato, ayna dhiirigeliso maalgashigayada gaar ah sida, isgaadhsiinta iyo mashaariic kale si loo xoojiyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka loona gaadhsiiyo muwaadiniinta adeegyo muhiim ah, qiimo jaban, oo la isku halleyn karo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan maanta la saxeexday Hey’adda IFC kaasi oo lagu taagerayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha.

“Maanta waxaa la saxeexanay heshiis Hay’adda ama laanta Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC…waxa ay ka shaqayn doonnaan laga bilaabo berri sidii ganacsatada ula falgeli lahaayeen iyo habkii ay uga la shaqayn lahayeen maalgashiga ganacsiga ee Soomaaliya”. Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sida ku xusan heshiiska maanta la saxeexay, Hay’adda IFC waxay Soomaaliya ka caawin doontaa horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka ganacsiga gaar loo leeyahay ee loo yaqaan PPP (Public-private partnerships) ee lagu maamulayo horumarinta iyo hirgelinta mashruuciida. IFC waxay sidoo kale ka caawin doontaa Soomaaliya inay soo saarto ilaha laga soo qaado mashruucyada suurtagalka ah ee PPP isla markaana ay gacan ka gaysato dib-u-eegis taxaddar leh saddexda sano ee soo socota.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.