Aqoonyahanka UDUBSOOR oo Bogaadiyay Hal-door Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaanka KULMIYE

GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Annaga oo ah huwan-aqooneed ka mid ah ururrada ka madaxa bannaan xafiiltanka iyo loollanka axsaabta qaran iyo Gaashaanbuurta Barbaarta UDUBSOOR oo ah damal ay ku jiraan dhallinyaro ka midaysan qarannimada Somaliland iyo guulaha u soo hoyda guud ahaan siyaasiyiinta iyo muwaaddiniinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu si weyn u bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE.

muuse biixi

Waxa aanu leennahay adiga ah oo halgamaa, siyaasi, waayo-arag iyo masuul door ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta Qaran, taabba-gelinta dhismaha qaranka iyo adkayta hannaanka axsaabta Somaliland waxa aanu Alle kaaga baryaynaa in aad noqoto hoggaamiye ka soo baxa xilka weyn ee ay isku duubnimada ugu cumaamadeen Xisbiga KULMIYE.

Marka loo eego qiimaha aad qaranka ugu fadhido waad u qalantaa mansabkan, ma jiro masuul kaaga habboon in uu qabto jagadan, waxa aad tahay daljir ku astaysan taariikhda guusha Somaliland. Sidoo kale waxa aanu bogaadinaynnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah hoggaa-samaha keliya ee si dimuqraaddi ah u wareejiyay xisbi uu unkay tan iyo intii la bilbaabay hannaanka ururrada siyaasiga ah sannadkii 2001da.

Allaa mahad leh.

Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye

Khadar Gaaxnuug Koosaar

Saleebaan Siciid Jaamac

Cabdiraxmaan Muuse Cismaan

Cabdillaahi Muxumed Jaamac

Cabdiqani Ibraahin Cige

Cabdi Jaamac Ismaaciil.