Xisbiga UCID “Waxa Aanu Tacsi U Diraynayaa Masuuliyiinta Bilaabay U Dhegoo-laynta Naafada Xaqdhawrka Geya”

War-saxaafadeed ay soo saareen Laanta Xuquuqal-insaanka ee Xisbiga UCID ayaa dhaliilo iyo cambaarayn xooggan loogu jeediyay masuuliyiinta Qaranka Somaliland ee Arrimaha Nabadgelyada, gaar ahaanna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ka gaabiyay inay habsami u gutaan xilka ay qaranka u hayaan, gaar ahaanna ay dayaceen wax ka qabashada ilaalinta xuquuqda shacabka.

tacsi1

“Xisbiga UCID waxa uu ka xun yahay in ay masuuliyiinta nabagelyada Somaliland si badheedh ah u taageeraan kooxaha af-duubka ku sameeyay Abwaan Maxamed Cabaade Muuse (Maxamed Aar) oo ay 30kii April 2014ka ku qafaasheen kooxo aan illaa hadda la hor keenin caddaaladdu. Maxamed waa hal-abuur waddani ah, indhoole u baahan in loo tixgeliyo xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah, shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo daljir ay waajib tahay in si buuxda loo dammaan-qaado amnigiisa.

Waxa aanu ka xunnahay in taliyaha saldhigga Degmada Axmed Dhagax Muuse Xasan Kaahin oo ay xidid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan uu ka warwareego soo qabashada dadka sida tooska ah u duudsiyay muwaaddin Abwaan Maxamed Cabaade Muuse (Maxamed Aar). Ma aha in ay hoggaanka Booliska Somaliland ka warwareegaan raacdaynta eedaysaneyaasha uu kiiskani gelayo, iyada oo la xeerinayo gacalnimada ka dhaxaysa labada masuul ee arrinkan dhayalsaday.

Waa wax lala yaabo in masuuliyiinta qaranku hadhcad la wareegaha Xarumaha Saxaafadda, isla markaana ay ka waabtaan gudashada waajibaadka amni ee ay u dhaarteen. Annaga oo og sida weyn ee uu hoos ugu dhacday xasilloonida Somaliland intii ay talada haysay Xukuumadda KULMIYE waxa aanu ugu baaqaynnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan in ay iska casilaan kaalinta ay magac-u-yaalka ku yihiin ee hoggaaminta booliska iyo sugidda xasilloonida dadka iyo dalka Somaliland, si loo igmado cid hanan karta xilkan halkaas ayay malaha sharafi ugu dhowdahay.

Ugu dambayntii waxa aanu Xukuumadda Somaliland u diraynnaa tacsi, annaga oo ka tiiraanyaysan sida ay u xalaashatay cabudhinta cid kasta oo laga waayo guul-wadaynta iyo soo noolaynta dhaqannadii lagu yaqaannay Dawladdii Kacaanka ee uu inta badan Wasiirka ka ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)”.

Allaa Mahad Leh

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID