Guwaantannaamo: Maanso Aan Kaga Ducaystay Gef Aan I Qaban

SICIID MAXAMUUD GAHAYR HARGEYSAAWI
Waxa la yaab leh in aad mooddo in Xabsigii Guwaantannaamo laga furay Hargeysa, marka aad eegto sida ay u dhaqamayaan taliyeyaasha iyo masuuliyiinta qaabbilsan ammaanka Somaliland gaar ahaanna kuwa sirdoonka iyo boolisku. Waxa aad mooddaa in aanu xil ka saarnayn xallinta khilaafka muwaaddiniinta, iyaga oo raaca hadba kii lacag iyo laaluush badan… Waa waxyaabo aan indhahayga ku arkay.

SICIID MAXAMUUD GAHAYR HARGEYSAAWI
 
Maansadani waxa ay belaayo-xijaab u tahay habaar iyo saadaal xun oo ay miciin bideen masuuliyiin dawladeed oo aanu aragtida siyaasiga ah isku seeggannahay… Waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr…
 
Waa kuwan meerisyadii maansadu
 

 

Abuubakar raanle

Rankii Cumar baafi

Cismaan la i ruufye

Raggeeda Cabdoo ah

Agoon rabaceeda

Rajooyin u yeedha

Runsheegga u ciidma

Rigaaxa iblayska

RAXIIM ka ergeeya

RAUUF ila tuuga

RUKUUCDA SUJUUDDA

Amiinta ku reema

Dheg raaracsha eegga

BUTAA mudan roorsi

Shaydaanka rajiima

Shirqool “ragax” weeye

Gacmaa roga oogo

 

 

Cismaan la i ruufye

Rashbaa qarxi doona

Sidii rabadh jiidan

Yarkuu ragcay CAWKE

ISAAQ rigrigeeye

Hu’gii RABASAADLE

Ku raaridi hooto

Wadnaa ka ruqeynnin

Randhiislena doojin!

“Rab oo rudh”-ba diide

Laf-dheerta ha ruugo

Ha riiraxanyoodo!

 

Cismaan la i ruufye

Riglaanay ma-waabte

Inuu ifku riiqyay

Rokayn iyo jeel ah

Rucleeyaha weecday

Ramaas ugu yaallo

Rasuulki caddeeye

Dheg raaririci eegga

 

Rabbow dar hallawshe

Rarkiisa dulsaaray

Dhex ruubta xumaanta

Naruurana raadin

Rugtay u socdaanna

Rafaad laga dheefo

Allow ha i raacin

 

Rejaan sugayayaaye

RAXMAAN toddobaadyo

Ridduu nacabkaygyu

Rasaas ganayaaye

Rasmuu dedayaaye

Gullow raxan daallin

AF-TAAG rakibkiisa

Rexaanta INKAARLE

Rushee dhagartooda

Ku raar kal-dan-eegte

Ku riixna KINIISAD

Ku reeb dhabarkooda

Rugtiisa habaarre

Rakaysme inkaaro

 

RAMLAAY igu daashay

XAMSOW i ribaysay

Anoon raran jiidhin

GARGAAR ila roortay

Dhibtay u raxlayse

Xanuun u riyaaqde

 

Haddaad rinji foolxun

ROWSHOW igu saydho

Allow Ramadaanta

Nin raashinka quuta

U reemaya booli

Ka rooraya waalid

Rag kuuma ahaado

 

Ribooy BAQRA fiiri

Radaal “day” dheh TOWBA

Rasiidh iska gooste

Liq ruujimo waabay

Rah qaanta halmaaama

“Ruclo yaan ordahayn

Hohe raybadki mee

Rimaygeeda la qoon

Rayi-beenlay miyaa”

Nin raafka i qoomay

Qoslaay rafadkiisa

 

Kumaa liqay roodhi

Garteeduna raagtay

Ramiimna la ciiray

Haween rubad-gooya

Rug-khayr bilis keena

U ruumiya GAASTA

U raadgada WIIL-JAR

U raacdo ah gaade

“Hay raadsan” ku qawla

Rogaalna i maaga

In reer la sameeyo

Ka doorbiday roorsi

Ku raasukhay waaqla’

Garoommada raabka

Ah roondo mirqaansan

Kol aan rubuc quudhin!

 

Abuubakar raanle

Rankii Cumar baafi

Cismaan la i ruufye

Raggeeda Cabdoo ah

Agoon rabaceeda

Rajooyin u yeedha

Runsheegga u ciidma

Rigaaxa iblayska

Raxiim ka ergeeya

Rauuf ila tuuga

Amiinta ku reema

Dheg raaracsha eegga

BUTAA mudan roorsi

 

Haddii ramad caano

Ku sooro bah raacda

Waxaan ahay Rooble

Tacliin ku ah raalli

Kun jeer rucub beera

U roon ardaydiisa

Ku ruug-cad tix maanso

Qoraa ah rabbaayad

Ku raas leh QURAANKA

Markuu toban ruugay

Risaalad xambaaray

IMAAM la rudhaayo

Sidii ummu-roone

Wanjaale ruxaayo

ABUU LAHAB raafay

 

Cismaan ma rabbaaso

Rafiiq ma colaadsho

Rataanay xammaalka

Ku reeya shaqeynta

DIDMAA i rifaysaa

“Ristaa care gaadh” leh

Riyoonaysa maalin!

 

Cismaan rubadkaygu

Mid reygalay weeye

Nugayl raxanraadshe

Hadduu dhigo roogyo

Riwaayad cabsiis ah

NEBAA halgan reeyay

Halkuu rabay taabay

Rakaab milyan yeeshay

Walow wadhi raacday

Wax raas degi MAANQAB

 

Wuxuu SELEF reebay

Ha raajin MA-OOFSHE

Rog duulka “ANAADA”

RIJAALSHE u hiili

Ha raawisin KHEYRRE

Hadduu cadli raashin

Raxmaad yahay oon-tir

RASAAQ if ma yaalle

Halkeer rawaxaadda

Kumaa goglan RAAXO

Kumaa rabash uumi

SAQUUMKA ku ruugi?