Beesha Caalamka oo war ka soo saartay shirka Xalane

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Muqdisho (Aftahannews) – Dalalka Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo beesha caalamka ay xaqiijisay in lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka beesha caalamka ayaa u dhignaa siddan :-“Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii February 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac,” ayaa lagu yidhi qoraalka Beesha Caalamka.

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaadhan.”

“Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Saaxiibada beesha caalamku waxay sheegeen inay sii wadayaan dadaalladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxa soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Sweden, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.