Odayaal-dhaqameed Soomaaliya ka socda oo Hargeysa soo gaadhay iyo ujeeddada socdaalkooda

Hargeysa(Aftahannews):- Kontomeeyo Oday oo ka socda Madaxda Dhaqanka Beelaha Soomaaliya oo Muqdisho ka soo ambabaxay, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kuwaasoo ay Xukuumadda Somaliland si dadban u soo dhawaysay, isla markaana u dejisay Huteello ku yaalla Hargeysa.

NEWS

Odayaashan oo ka socda Beelaha Soomaaliya, inkasta oo wararka qaarna sheegayaan inay ka socdaan Beesha Hawiye oo keliya, isla markaana maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa ah Odayaal dhaqameed ay maalmihii u dambeeyay ay saxaafadda Somaliland siyaabo kala duwan uga waramayeen ujeeddada socdaalkooda Somaliland.

Madax-dhaqameedkan oo tiradoodu gaadheyso ilaa kotomeeyo, ayaa markii ay maanta ka soo daggeen garoonka diyaaraha ee Cigaal, aan la hadal saxaafadda isla-markaana aan faahfaahin ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho, hasa-ahaatee xubin ka mid ah Madax-dhaqameedkan oo saxaafaddu heshay ayaa si kooban uga waramay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxaanu tilmaamay in safarka ay ku yimaadeen Hargeysa uu ka madhan yahay siyaasad.

 “Adeer, safarkayagu maaha mid siyaasi ah, waxaanu u nimid Somaliland saddex arrimood, inaanu ugu hambalyeyno wixii ay qabsadeen reer Somaliland, inaanu ka baranno wixii ay dhisteen iyo inaanu ku biirino wixii aanu talo haynno” ayuu yidhi, Xuseen Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Soomaaliya ee Hargeysa ku yimid safarka, waxaanu intaasi ku daray “Saddexdaa shay ayaanu u nimid, safarkayaguna siyaasad wuu ka madax banaan yahay..”

Xuseen Xasan, waxa uu sheegay in mudada ay dalka ku sugnaanayaan ay la kulmayaan Madax-dhaqameedka iyo Guurtida Somaliland “Guurtida iyo Madax-dhaqameedka Somalilandna kulamo ayaanu la yeelan doona..” ayuu yidhi.

Safarka odayaal dhaqameedkani ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaan ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka dalka, balse waxa la filayaa in ilaa Khamiista berri ay xukuumaddu ka hadasho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.