Samia Suluhu Hassan oo loo Dhaariyey Madaxweynaha Tanzania

Samia Hassan oo noqotay Madaxweynaha Tanzania 2021
Samia Hassan oo noqotay Madaxweynaha Tanzania 2021

Tanzania(aftahannews):- Madaxweyne ku xigeenkii wadanka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa loo dhaariyay xilka Madaxweynaha kaddib geeridii madaxweynihii dalkaas John Magufuli, waxayna noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota dalka Tanzania.

Samia Hassan oo noqotay Madaxweynaha Tanzania 2021
Samia Hassan oo noqotay Madaxweynaha Tanzania 2021

Madaxweynaha cusub, Samia, oo ka hadleysay xafladda dhaarta waxay ballan qaadday inay daacad u noqon doonto dalkeeda, islamarkaana ilaalin doonto dastuurka.

Madaxweyne Saamiya, ayaa hadal jeedisay dhaarinteeda ka did, waxaanay tidhi; “Maanta waxaa la ii dhaariyay xaafiiska ugu sarreeya ee dalkeenna anigoo baroor diiq ku jira, mana ahan maalin ku habboon inaan idinla halo, geeridii madaxweyne Magufuli qalbiga ayay Iga dhaawacday, inkasta oo aan ogahay ingaan waxba naga khaldami doonin hadana waxaan idin kugu baaqayaa inaad midnimo, wadajir iyo is jaceyl muujiisaan.”

Madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufli ayaa arbacdii u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha sida ay sheegeen saraakiisha sare ee dowladda Tanzania, hase yeeshee hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu ayaa ku adkeysay in Magufuli uu u geeriyooday xanuunka COVID19.

John Magufuli ayaa geeridiisa hor wuxuu shaki galiyay jiri taanka cudurka covid19 iyo tallaakiisa, wuxuuna ku tilmaamay shirqool reer galbeed, taas oo ka careysiisay bulshada caalamaka, gaar ahaan hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Caqabadaha ay wajaheyso Samiya Xuseen waxaa ka mid ah xakameynta cudurka covid19,iyo yareynta fakhriga dadka dadkiisu yihiin 58-ka Milyan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.