Xukuumadda Somaliland oo Beeralayda ka iibsanaysa Raashinka ay soo saaraan

Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed
Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in xukuumaddu ay beeralayda ka iibsanayso raashinka ay beeraan.

Wasiirka ayaa sheegay in hada la fulinayo balan qaadkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ee ahaa in xukuumaddu ka iibsan doonto beeralayda dalaga ay soo saaraan.

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu balan qaaday in dadka beeralayda ah laga iibsan doono raashinka, iib kiisuna wuu bilaabmi laha lakinse wasiirkii maaliyada ayaa maqan” ayuu yidhi wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed
Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed

“Waxanu bilaabi doona iibka raashinka gugii hore soo baxay, ee ay dadka beeralayda ahi soo saareen, lacagtaasna waala bixiyay oo way taala” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in sababta ay xukuumaddu u iibsanayso raashinka ay beeralaydu soo saaraan, ay tahay in la dhiiri galiyo wax soo saarka gudaha.

Dhinaca kale, 280 kiish oo raashin ah, oo ka soo baxay mashruuca ay xukuumaddu maamusho ee Banka Wajaale ayay wasaarada beeruhu ku wareejisay xafiiska kaydinta raashinka ee Somaliland.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.