Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Heerka Covid-19 iyo Tallaalkiisa oo Dalka la Keenay

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi oo maanta hadal ka jeediyey  Munaabsibad Shirkadda Somtel Hargeysa ku qabatay oo uu ka qaybgalay, waxa uu ka warramay heerka xanuunka Covid-19 dalka ka gaadhay tan iyo bishii maarso ee sannadkii hore oo labadii qof ee ugu horreeyey xanuunkaas lagaga helay Somaliland.

Waxaa kale oo uu madaxweyne Biixi ka waramay inta laga baadhay, inta laga helay iyo inta u dhimatay xanuunka Covid-19.

Madaxweyne Biixi mar uu ka hadlayey Tallaalka Covid-19 oo Salaasadii dalka soo gaadhay oo uu Sabtida noqon doono qofka ugu horreeya ee qaadanaya Tallaalkaas, waxa uu

Geesta kale, Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in xaalad abaareed oo gurmad badan u baahan iyo arrimo doorasho dalka ka taagan yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay inay Shirkadaha Shidaalka keena dalka ay dib u eegaan qiimaha ay Shidaalka ku iibiyaan, madaama lagu jiro xilli adag oo uu xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku hayo bulshada taasi oo ay u dheertahay biyo yaraan ka jirta qaybo dalka ka mid ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa uu soo hadal-qaaday arrimaha doorashada iyo dhalliilaha Madaxweyne ahaan loo jeediyo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa si xawli ah u kordhayay qiimaha lagu iibiyo shidaalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.