Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay Qareennada ku matalaya Dacwadda Badda ee Maxkamada ICJ

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Soomaaliya ayaa qareenadii ku matalayay dacwada kiiska bada ku boggaadisay sida wacan oo ay u soo bandhigeen xujooyinkooda la xidhiidha kiiska.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Sulaymaan Maxamed ayaa sheegay in qareennada dhinaca Soomaaliya ku matalaya maxkamada si wanaagsan u guteen doodda iyaga oo bandhigay ayuu yidhi xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xidhiidhsan xeerka badaha.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya

Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenaya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka galisay.

“Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee doodda Badda Soomaaliya. wareegga Labaad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaadhaysa iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda.

Dhinaca Dowladda Kenya iyadu kama ayna qeybgalin maxkamada iyadoo ka cudurdaaratay sababo dhowr ah oo ay soo bandhigtay awgeed, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in Kenya marnaba diyaar u aheyn in lagu kala baxo sharciga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya