Sidee u dhacday maalintii labaad ee dhageysiga dacwadda badda?

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Dhagaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee maxkamadda Hague ayaa lasoo gabagabeeyey maalintii labaad oo ay hadalkooda sii wateen qareennada u doodaya Soomaaliya.

Labada qareen ee maanta hadlay ayaa soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenka hore ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale.

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Qareennada Soomaaliya waxay sheegeen in xariiqa tooska ah uu si caddaalad ah badda ugu kala qaybinayo Soomaaliya iyo Kenya. Waxay gaashaanka ku dhufteen in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah mowqfika Kenya.

Qareenada waxay sheegeen in loolka ay Kenya ku salaynayso dooddeeda aanay jirin meel laga isticmaalo, islamarkaana uu xaqdarro ku yahay Soomaaliya.

Qareenadu waxay ku eedeeyeen Kenya inay dacwaddeeda ku salaynayso qaynuuno aan ahayn kuwa caalmaiga ah.

Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay Kenya qaadday marka ya noqoto dhulka la isku hayo. Qareenada Soomaaliya u doodaya waxay sheegeen in Kenya ay ku xadgudubtay madax bannaandida dhul ay sheeganayso Soomaaliya.

Qareenada waxay kale oo ay sheegeen in Kenya ay qiratay inay bixisay shati la siiyey ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal ka baadhay dhulka ay sheeganayso Soomaaliya. Waxay Qareenadu intaas ku dareen in weliba ceel laga qoday dhulka ay Soomaaliya sheeganayso.

Waxay qareenada ugu baaqeen Kenya inay joojiso, islamarkaana waxba kama jiraan kasoo qaaddo shatiyada ay siisay shirkadahaas. Waxay sheegeen in Soomaaliya oo doonayso niyad wanaagsan derisnimo ayna doonayn inay Kenya mag dhow ka siiso xadgudubyada ay samaysay.

Waxayse qareenadu sheegeen inay Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya.

Xaakimka maxkamadda ayaa ka hor intii ayna dhagaysiga soo xidhin sheegtay in Kenya ay warqad u soo qortay maxkamadda ICJ, taasi oo laga doodayo. Waxaana ay xaakimku sheegatay in isbeddel ku iman karo jadwalka dhagaysiga ee maxkamadda.

Dhagaysiga maxkamadda muranka badda Soomaaliya iyo Kenya wuu socdaa, waxaana hadhsan maalmo kale.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.