Guddiga doorashooyinka oo Cayimay Goobo gaar ah iyo Maalmo loo Kordhiyey Sool, Sanaag iyo Saaxil

ASTAANTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND
ASTAANTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo soo gebo-gabeeyey qaybinta Kaadhka Codbixinta, ayaa maalmo u kordhiyey, goobo gaar ahna u cayimay gobollada Sool, Saaxil iyo Sanaag oo wejiga koowaad ee kaadh-qaybinta laga bilaabay 11-kii bishan Maarso 2021.

Qoraal wargelin ah oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayey ku Caddeeyeen maalmaha la kordhiyey iyo degmo kasta goobaha laga sii qaadan karo kaadhadhka maalmahaas dheeraadka ah,waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:-

 “KDQ ayaa ku dhawaaqay Muddada & Goobaha Kordhinta Kaadh-qaadashada Gobolada Saxil, Sool & Sanaag. Muddadii 3da Cisho ahayd ee hore loogu asteeyey goboladan ayaa ku eekayd 13kii March 2021.

Codbixiyayaasha Isdiiwaangeliyey Diiwaangelintii 2020/2021 amma kuwii Isdiiwaangeliyey 2016 hase ahaatee aan wali qaadan Kaadhadhkoodii ayaa haysta fursad dahabiya oo ay ku doontaan Kaadhadhkoodii muddada lagu gudo-jiro Ayaamaha Dheeraadka ah ee la Kordhiyey.

Iyagoo tagaya Degmadii ay iska Diiwaangeliyeen gaar ahaana Goobta Kordhinta ee ku cayiman #Ogaysiiska KDQ ee hoos ku xardhan.” Sidaa ayey qoraalkooda ku yidhaahdeen Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.