Berhane Kidanemariam: “Meel kasta oo ka tirsan Itoobiya waxaa ka taagan dagaal”

Colaadda Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof
Colaadda Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof

Washington (Aftahannews)- Ku xigeenkii hore ee safaaradda Itoobiya ee Mareykanka Berhane Kidanemariam ayaa sheegay in meel kasta oo ka tirsan Itoobiya ay ka taagan yihiin dagaallo iyo colaad taas ayna soo bandhigeyn warbaahintu.

Wuxuu barnaamijka BBC ee Newsday u sheegay in dagaallo ay ka socdaan gobolka Oromada iyo deegaanno hoostago gobolka Benishangul Metekel.

“Meel kasta oo ka tirsan Itoobiya waxaa ka jira barakac, dagaal iyo colaad, Mana jirto warbaahin tebineyso waxa ka socda Itoobiya” ayuu yidhi Berhane Kidanemariam.

Colaadda Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof
Colaadda Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof

Diblumaasigan hore ayaa Mareykanka ugu baaqay in si xooggan uu uga hadlo colaadda ka taagan gobolka Tigray maadama ‘dadka ay dhimanayaan’

Berhane Kidanemariam ayaa toddobaadkii la soo dhaafay iska casilay ku xigeenka safaaradda Itoobiya ee Mareykanka kadib markii uu ku eedeeyay Abiy Axmed in dalka uu ku hoggaaminayo waddo mugdi ah oo horseedeysa burbur iyo kala qeybsanaan.

Dowladda Itoobiya waxay beenisay in ciidamadeeda ay tacaddiyo ka geysteen Tigray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.