Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay eedaha Boqol Xildhibaan oo ka dalbaday inuu is casilo

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa jawaab ka bixiyey soo jeedinta illaa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka oo eedaymo kala duwan u jeediyey, isla markaana dalbaday inuu xilka iska casilmo Madaxweyne Xasan Sheekh. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday Madaxweynuhu in la sameeyo qiiman dhab ah oo aan la siyaasadaynin.

xasan17

xasan13 xasan16 xasan7 xasan14 xasan11 xasan5 xasan3 xasan8 xasan6 Xasan1 Xasan2 xasan0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka soo laabtay booqasho uu maalmihii ugu dambeeyey ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaradka Carabta, isla markaana si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho oo uu qaybo ka mid ah Jidadka lug ku maray, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo fikirka xorta ah ee Muwaaddiniinta iyo Mudanayaasha, isagoo ku dooday inuu la fadhiisanayo cid kasta oo tabasho qabta ama soo jeedinaysa fikir Soomaali wax u tari kara.

“Aad iyo aadbaan u xushmeynayaa una qadarinayaa ra’yiga qofka Soomaaliga ah haddii uu yahay siyaasi ama qof shacab ah labadaba, qofku in uu ra’yigiisa cabbiraa waa wax aad u fiican, waan ku faraxsanahay in maanta si xorriyad ah loo hadli karo dadkuna ay ra’yikooda cabbiri karaan, waxay hormuud u tahay xorriyadda iyo dawladdnimada meesha aan ka gaadhnay. Laakin, waxaan leeyahay ra’yi kasta oo la cabbirayaa waxa uu leeyahay meel lagu cabbiro iyo si loo cabbiro.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan leeyahay afkaartu waa xor, Madaxweynaha Jamhuuiriyadda federaalka Soomaaliya ahaan waxaan diyaar u ahay inaan la fadhiisto cid kasto oo Soomaali ah oo tabasho qabta oo aan dhageysto tabashadooda cid kastoo Soomaali ah oo ra’yi Soomaaliya lagu horumarinayo heysana in aan ka dhageysanno oo aan ka qaadanno ayaan diyaar u nahay. Dhaqanka dawladdnimada aan ilaalinno waliba dawladnimada dhexdeeda aan ku ilaalinno.”

“Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa in qiimeyn dhab ah la qiimeeyo Wax-qabadka Dawladda gaar ahaan Hay’adaha dawladda iyadoo aan la siyaasadeyn. Soomaaliya meel bey ka timid meel ayeyna u socotaa, Soomaaliya dawlad ayey yeelatay dowladnimaduna waa sii xoogeysaneysaa.” ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shir-jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxa uu sidoo kale ku sheegay waxyaabaha ugu soo qabsoomay safarka uu dalalka dibedda ku soo maray, waxaanu yidhi; “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaan kala soo hadalnay cilaaqaadka labada dalka iyo arrimaha Gobolka. Sidoo kale waxaan Addis Ababa kula kulannay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo aan isaguna kawada hadalnay cilaaqaadka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka iyo latashiga shirka Wadamadda Afrika iyo Mareykanka Bisha Augusto ee sannadkan ka dhici doona Mareykanka iyo sidii loo kordhin lahaa tegeeradda Soomaaliya iyo iskaashiga dhanka Aminiga iyo la dagaalanka argagixisada”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxda Dalka Imaraadka Carabta uu kala hadlay cilaaqaadka labada dalka iyo sidii loo kordhin lahaa Kaalmada dhaqaalaha ee Soomaaliya ku wajahan sida, Kaabayaasha dhaqaalaha, Maalgashiga iyo dhinaca horumarinta degaanadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo Wadada Maka Almukarama lug ku soo maray ayaa mid mid u gacan qaaday kumannaan dadweeyne ah oo maanta isugu soo baxay waddooyinka Muqdisho, kuwaasoo ka qeyb-galay soo dhaweynta Madaxweynaha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.