Dhageysiga Dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo Hague ka bilaabmaysa

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Hague (Aftahannews) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Hague ee dalka Holand uu ka bilaabmo dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda.

Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aanay ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa maxkamada ICJ.

Maxkamada ICJ
Maxkamada ICJ

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda ayna si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda ayna doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Isniinta oo maanta ah 3 galabnimo ilaa 6 maqribnimo ayay qareenada Soomaaliya gudbin doonaan doodooda.

Sidoo kale, waxay qareenada Soomaaliya ayaa Salaasada16 bishan March 3 galabnimo ilaa 4.30 mar kale maxkamadda u soo bandhigi doona doodooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.