Wasiirkii Xajka Iyo Cumrada Ee Sucuudiga Oo Xilka Laga Qaaday

Makka (Aftahannews) – Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa sheegtay Digreeto ka soo baxday boqortooyada Sacuudi Carabiya inuu Boqor Salmaan uu xilka ka qaaday Wasiirka Xajka iyo Cumarada Maxamed Saalix ben Taaher Benten oo u xilsaarnaa munaasabadda xajka ee sanadlaha ah.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Issam ben Saciid ayaa xilkaasi si ku meel ah loogu magacaabay.

Xajka iyo Cumrada oo ah halka Dowladda Sacuudiga dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo ayaa sanad walba u soo xareeya balaayiin doolar ka hor inta aanu dhicin cudurka safmarka ee fayraska korona.

“Maxamed Saalix ben Taaher Benten oo ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada xilka ayaa laga qaaday” ayaa lagu yidhi qoraal bogga twitterka ee Wakaaladda Wararka ee Sacuusiga SPA lagu soo daabacay iyada oo aan la sheegin sababta uu wasiirka xilka uu ku waayey.

Wasiir Benten waxaa xilka wasaaradda loo dhiibay sanadkii 2016-kii.

Boqortooyada Sacuudiga si weyn loogu ammaanaa ilaalinta goobaha Islaamiga ah ee barakeysan ee Makka iyo Madiina iyo sida nabadgalyada ah ee ay u abaabusho gudashada waajibaadka Xajka, inkasta oo Xujaajta dibedaha ka soo Xajin jirtay laga mamnuucay iney sanadki tagay soo xaajiyaan si looga hortago faafiytaanka korona.

Dhacdadaasi oo noqotay tii ugu horreysay oo dhacda xilligan casriga ah.

Shirkadaha ka howl gala arrimaha Xajka howlahooda waxaa si weyn u saameeyey tallaabbooyinka ay dowladda u qaadday si ay uga hortagto faafitaanka cudurka safmarka.

Inta uu cudurka safmarka ah dhicin muslimiinta soo Xajiya 24-ka saac waxaa adeeg aan kala joogsi lahayn Xujaajta soo booqato magaalooyinka Barakeysay ee Maka iyo Madiina siin jiray in ka badan 1,300 huteel iyo kumannaan goobaha laga tukaamaysto ah.

Horraantii toddobaadkan, shirkadda Sacuudiga ugu weyn oo qalabka soo saarto ee Jabel Omar waxay amaahatay $427 milyan oo doolar, kaddib markii ay dhaqaalaheeda saameeyeen xayiraadihii magaalada Makka saarnaa.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA waxay horraantii toddobaadkan sheegtay Boqor Salmaan inuu qalinka uu ku duugay barnaamij dhaqaale oo lagu caawinayo shirkadaha iyo shaqsiyaadka saameynta dhaqaale ay u geysteen xayiraadihii ka dhashay cudurka safmarka ee Covid-19.

Dhinaca kale, Digreeto boqortooyada ka soo baxday ayaa sidoo kale xilkii lagaga qaaday madaxii Hay’adda Duulista Hawada, Abdulhadi al-Mansouri, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda.

Abdulaziz al-Duaelij-na sida oo kale waxaa loo magacaabay madaxa cusub ee Hay’adda Duulista Hawada ee Sacuudi Carabiya.