Xanuunka Covid-19 oo si Xawli ah ugu sii faafaya Somaliland

Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi
Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in ay sii kordhayso faafista iyo dhimashada caabuqa Covid19 ee Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in caabuqu uu si xawliya ugu fidayo gudaha Somaliland.

“Xaqiiqo waxa ah oo marag ma doon ah in xanuunku uu aad u kacayo, oo xaaladaha dadka uu ku dhacayaana ay kordhayaan, dhimashaduna ay korodhay” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi
Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi

“Dhimashadu sidii hore maaha waa joogto, shalay oo ugu danbaysay 3 qof baa dhintay” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa bulshada faray, in ay ka taxadaraan caabuqa isla markaana ay qaataan talooyinka wasaarada caafimaadka.

“Waxkasta oo la sameeyo waxa ugu muhiimsan wacyiga iyo in qofku tilmamaha wasaarada caafimaadka qaato” ayuu yidhi wasiirku.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.