Somaliland: Golaha Guurtidda oo Dood ka yeeshay Xeerka Sahaminta Shidaalka

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Fadhigii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Guurtidda Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golahaasi, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golahaasi dood iyo falayn qayn ka yeesheen xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Xildhibaanadii dooddaas ka qayb-qaatayna ayaa waxaa ka mid ahaa, xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan , Xil Jirde Siciid, Xildhibaan Sahal Iidle Dirir iyo Xildhibaan Cabdicasiis Gaaxnuug, kuwaas oo ku dooday in xeerkaasi yahay mid qaranku u baahan yahay, waxaanay shirgudoonka u soo jeediyeen in guddi loo saaaro.

Ugu dambayn shirgudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021 u ku wareejiyeen guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay kaabis iyo wax kabadal ugu soo sameeyaan, isla markaana ay dib ugu soo celiyaan golaaha.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.