Guddida Doorashooyinka oo Wakhti u qabtay Saddexda Xisbi inay ku soo gudbiyaan Liisaska Murrashaxiintooda ee Goleyaasha Deegaanka

ASTAANTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND
ASTAANTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

Hargeysa (Aftahannews) – Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa wakhtiga kama dambaysa ah u qabtay Saddexda Xisbi qaran in ay ku soo gudbiyaan liisaska Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka.

War qoraal ah oo lagu socodsiiyey saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu sheegay in ay maalinta arbacadda ah ee 17 bishan ay gudbiyaan liisaska murrashaxiintooda goleyaasha Deegaanka.

Xeerka doorashooyinka, ayaa tilmaamaya in Xisbiyadu 75 maalmood ka hor doorashada in ay Komishanka u gudbiyaan Liisaska murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka, si ay hubin shuruudaha xeerka buuxiyeen.

Hoos ka akhriso nuxurka qoraalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.