Madaxweyne Biixi oo Waraaqda Aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacawday Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi.

Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.

Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon sanno markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.