Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan magaalada Muqdisho

Madaxweyne Deni
Madaxweyne Deni

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qeyb galayo  dhameystirka heshiiska arrimaha doorashada ee soo jiitamayay.

Madaxweyne Deni ayaa iska sii horumariyay ciidamo badan oo si gaar ah ammaankiisa u sugaya, kuwaas oo racoodii koowaad ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni
Madaxweyne Deni

Lama oga in madaxweyne Deni uu hoy ka dhigan doono xerada Xallane sida madaxweyne Axmed Madoobe uu sameeyay, iyagoo labada madaxweyne ay kalsooni darro ka muujiyeen isku halaynta amni ee dowladda federalka.

Shirkan oo ay dabada kariixayso beesha caalamka ayaa la filayaa in ugu dambayn heshiis lagaga gaadho arrimaha la isku khilaafsan yahay islamarkaana la qaato go’aamadii kasoo baxay shirkii Baydhabo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.