Xamaaliinta Dekadda Berbera oo Cabasho Xoogan ka muujiyay Maamulka Free Zone-ka, Baqqna u diray Madaxweyne Biixi

Berbera (Aftahannews)- Xamaaliinta ka shaqeeya dekadda magaaladda Berbera ayaa cabasho xoogan waxaa ay ka muujiyeen maamulka dekedda Berbera ee Free Zone-ka.

Ururka xamaaliinta Berbera ay ku midaysan yihiin waxay sheegeen in maamulka Free Zone-ka ay doonayaan in ay kala wareegaan qaybo ka mida shaqaqoodii.

Xamaaliinta dekadda Berbera ayaa waxaa ay galabta sameeyeen isku soo baxyo ay cabashadoodda ku muujinayeen, iyagoona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ugu baaqay in arrintoodda wax laga qabto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.