Wasiirka Amniga Soomaaliya, Muxuu ka yidhi Tallaabadii ay Ciidamadu ku Xidheen Wadooyinka Muqdisho?

Muqdisho (Aftahannews)- Sii-hayaha Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaaday dowladdu ee ay ciidamada amniga ku xidheen qeybo kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Xasan Xundubey ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliya uga mahad-celiyay dhibaatada ay u mareen waddooyinkii ay xidheen ciidamada dowladda, taasi oo uu sheegay inay keentay Madaxdii kala duwaneyd ee ka qeyb-galeysay Aaska madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Xundubey ayaa sheegay in dedaalka guddiga loo xil-saaray aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu alle u fududeeyay mas’uuliyadda laga sugayay oo dhowr qeyb ahayd sida uu sheegay, una kala qeyb-saneyd soo qaadista Maydka, Janaasada iyo aaska loo sameeyay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.