Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Bixinta Kaadhadhka Cod-Bixinta Ka Bilaabay Gobollada Sool Iyo Saaxil

Hargeysa (Aftahannews) – Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta bixinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashooyinka soo socda ka bilaabay Gobollada Sool iyo Saaxil  ka dib markii ay dhawaan soo dhamaatay dib u diwaangelintii Dadweynaha doonaya inay codeeyaan doorashada.

Komiishanka ayaa Kaadh-bixinta Maanta ka bilaabay illaa 90 Goobood oo ku yaalla Gobolka Saaxil iyo Tobanaan meelood oo Gobolka Sool ah.

Kaadh-bixinta oo Gobol walba ka soconaysa muddo 3 Maalmood ah, ayaa waxa Saaka Goobaha ay ka bilaabantay waxa kormeeray Xubnaha Guddiga doorashooyinka iyo Masuuliyiin ka mid ah xisbiyada Qaranka Somaliland, kuwaasi oo Dadweynaha ku booriyey inay ka faa’idaystaan muddada 3-da Maalmood ah ee soconayso isla-markaana Kaadhadhkooda cod-bixinta qaataan.

Kaadh-bixinta oo soconaysa muddo  3 Maalmood ah, ayaa marka ay dhamaato, waxay sii goobo kooban Gobol walba ka sii socon doontaa muddo 7 Maalmood ah, si Dadka saddexda Maalmood aan ku qaadan Kaadhadhkooda fursad loo siiyo.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office