Beesha Toljecle oo Munaasibad isugu jirta Dhoola-tus iyo digo-rogasho Siyaasaddeed oo ku shaaciyey Saddex Murrashax iyo Xisbiga WADDANI oo qaabbiley

Hargeysa (Aftahannews)- Munaasibad balaadhan oo lagu shaaciyey Murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxda sare ee Xisbiga WADDANI, Madaxdhaqameedyo, waxgarad, aqoonyahan iyo kumanaan Taageerayaal ah.

Xafladan oo daarnayd laba ujeeddo oo kala ah shaacinta Murrashaxiinta iyo taageero cod iyo cududba leh oo ay Beesha Murrashaxiintaasi ka soo jeedaan ee Toljecle kula biireen Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI, murrashaxiinta lagu shirabayna ay kala yihiin Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo u taagan Golaha Wakiillada, Caydaruus Cabdi Samad Muxumed oo golaha Deegaanka Hargeysa ah iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Kayse) oo Golaha Deegaanka Degmada Gabiley u tartamaya, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay xubno kamida Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo waxgaradka Deegaanka Murrashaxiintaasi gelbinaya, kuwaasoo sheegay inay taageero mug iyo miisaan leh la garab jooggaan Murrashaxiinta ay soo xusheen inay u tartamaan Goleyaasha Doorashadoodu qabsoomayso bisha May ee sanadkan 2021.

Waxa kale oo ay Cuqaasha iyo waxgaradka Madasha ka hadlay shaaca ka qaadeen in ay si rasmi ah taageeradooda iyo tamartooda Siyaasaddeedba ugula digo-rogteen Xisbiga WADDANI.

Suldaanka guud ee Beesha Toljecle Suldaan Axmed-daahir Muuse iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Madaxdhaqameed kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday magaca iyo miisaanka ay Beeshani ku leedahay Somaliland, waxaanay bulsho-weynta soo buux-dhaafiyey xaflada ku adkeeyeen in musharaxiinta ay gelbinayaan ugu hiiliyaan codka maalinta Doorashada.

Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf, Xamse Khayre oo kamida Murrashaxiinta Xisbiga WADDANI, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Dhalinyarada, Xoghayaha Cadaaadda Xisbigaasi Yoonis Axmed Yoonis, Xoghayaha Abaabulka iyo wacyi-gelinta Cabdilaahi Jaamac Geelle, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi ee gobolka Maroodi-jeex iyo Maxamed Sidiiq Dhame oo kamida masuuliyiinta sar sare ee Xisbigaasi, oo iyaguna halkaasi ka jeediyey hadallo, ayaa soo dhaweeyey Murrashaxiinta madasha lagu shaaciyey, waxaanay dhoola-tuska taageerayaashoodu soo bandhigeen ku tilmaamay mid ka turjumaysa ka go’naanshiyaha guusha Doorashada, iyagoo kula dardaarmay in ay si hagar la’aan ah u garab-istaagaan Murrashaxiinta.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo ah Murrashaxa Golaha Wakiillada u tartamaya, Caydaruus Cabdisamad Muxumed iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Kayse) oo u kala sharaxan goleyaasha Deegaanka ee Hargeysa iyo Gabiley oo xaflada khudbado ka jeediyey ka codsaday taageeyaashooda in ay maalinta Doorashada sanduuqa ku hubsadaan codka, waxaanay sidoo kale uga mahad-celiyeen sida u soo camireen munaasibada shaacinta.

Murrashaxiintan ayaa balanqaaday haddii ay ku guulaystaan Doorashada inay si caddaalad ah ugu adeegayaan umadda Somaliland, isla markaana wax ka qaban doonaan baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada, qabyada ku jira xeerarka dalka iyo horumarinta danta guud ee qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, munaasibada ka jeediyey hadal dheer ayaa sheegay in uu aqbalay oo uu si rasmi ah u guddoomay saddexda Murrashax ee ay beel-weyntoodu madasha ugu xafladaysay, isagoo sidoo kale ku soo dhaweeyey xisbiga oo uu tilmaamay inuu yahay mid aan laga lahayn.


“waxaad soo xusheen dad qiimo leh oo ah dadka aynu u baahanahay inay goleyaasha inoo fadhiistaan, waxaan idinka codsanayaa inaydaan maalinta Doorashada codka kala habsaamin”ayuu kula dardaarmay Taageerayaasha baaxad leh ee xafladaasi ku sugnaa.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray inay beesha murrashaxiinta soo dooratay kamid yihiin deegaamada ugu qiimaha badan bulshada Somaliland, isagoo ku dheeraaday kaalintii ay ku leedahay dib-u-dhiskii dalka “Xisbiga WADDANI ma noqon doono mid laydinka sheegto”ayuu raaciyey.

Xafladan oo kulmisay taageerayaal tiro badan oo gelbinayey saddexdan Murrashax, jawigeedana laga dheehanayey farriin siyaasaddeed iyo cudud, ayaa intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay suugaan iyo ciyaar-dhaqameed lagu taageerayey Murrashaxiinta iyo Xisbiga WADDANI.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.