Netanyahu oo baajiyey Safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka

Ra’iisal Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu
Ra’iisal Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu

Ra’iisal Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, iyada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka.

Safarka Netanyahu ayaa noqon lahaa mid taariikhi ah, oo sii xoojinaya xidhiidhka diblomaasiyadeed ee cusub ee ay sanaddii tegtay aas-aasteen Israel iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sare u qaadi lahaa rajada Netanyahu ee doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel.

Ra’iisal Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu
Ra’iisal Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu

Sarkaal u hadlay xafiiska ra’iisal wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Sara Netanyahu loola cararay isbitalka Hadassah Medical Center kadib markii ay xanuun dareentay, islamarkaana ay ku jiri doonto maalmo.

Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag iyada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed.

Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xidhiidh la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan.

 

REUTERS + AP