Cali Mahdi siduu ku noqday Madaxweynihii Soomaaliya?

Cali Mahdi Maxamed
Cali Mahdi Maxamed

Muqdisho (Aftahannews)- Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday Madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii ay xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay Soomaaliya.

Cali Mahdi oo Alle ha u naxariistee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Niarobi ayaa xilka ugu sarreeya waddanka Soomaaliya qabtay xilli uu socday dagaal sokeeye oo xooggan.

Cali Mahdi Maxamed
Cali Mahdi Maxamed

Wuxuu noqday madaxweynihii afaraad ee soo mara Soomaaliya.

Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa qaabka uu Cali Mahdi xilkaas ku qabtay, caqabadaha uu wajahay iyo markii dambe qaabka uu ku wareejiyay.

Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaadh ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jen. Maxamed Siyaad Bare.

Cali Mahdi (bidix) iyo Maxamed Faarax Caydiid
Cali Mahdi (bidix) iyo Maxamed Faarax Caydiid

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid aanu ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inaanu gali karin xilli aanu xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma aanu aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Bishii November ee sanadkii 1991-kii waxaa wadooyinka Muqdisho ku dagaallmayay ciidamo kala taageersan Cali Mahdi iyo Caydiid
Bishii November ee sanadkii 1991-kii waxaa wadooyinka Muqdisho ku dagaallmayay ciidamo kala taageersan Cali Mahdi iyo Caydiid

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaadhan, iyo burbur baaxad leh.

Shirkii Jabuuti

Bartamihii 1991, waxaa shir caalami ah oo lagaga hadlayo xaaladda Soomaaliya martigeliyay madaxweynihii Jabuuti ee xilligaas, Xasan Guuleed Abtidoon.

Shirka waxaa ka qeybgalay inta badan hogaamiyayaashii jabhadihii hubaysnaa, waxaana Cali Mahdi loo ansixiyay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu shirkaas ka qeybgalin Jen. Ceydiid.

Dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Talyaaniga ayaa durbadiiba aqoonsaday madaxtinimada Cali Mahdi, taasoo ka dhigtay madaxweynaha uu caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Hase ahaatee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi ayaa fursad u heli weysay in ay xukunkeeda dhaafiso magaalada Muqdisho, sida uu sharraxayo Cilmi Faarax Webi.

Maamulkii loogu magac daray”Salballaarta” ayaa awood maamul u helay qeybo kooban oo kamid ah Muqdisho, waxaana dalka intiisa kale uu u kala jabay qeybo ay maamulaan hogaamiye kooxeedyo.

Cilmi Faarax Webi ayaa qaba in Cali Mahdi aanu eed ku lahayn in xukuumaddiisa ay Soomaaliya intiisa kale gaadhi weyday.

“Xilligii Cali Mahdi la doortay wuxuu ahaa xilligii ugu xumaa ee Soomaaliya ay dagaallada ku jirtay. Waad la socotaa , madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre wuxuu joogay Gedo, dadku qax ayeyba ku jireen xilli dowlad la fidiyo ama fursad lagu ballaadhiyo Cali Mahdi xukuumaddiisii maba ayna helin.”

“Cali mahdi Ma aanu helin taageero dhaqaale iyo mid milateri oo uu xukunkiisa ku gaadhsiin karay meel ka baxsan Xamar,” ayuu yidhi Webi.

Cali Mahdi iyo Caydiid oo gacmaha isku heysa isusoobax midow ah oo Muqdisho ay ka sameeyeen 1992-kii
Cali Mahdi iyo Caydiid oo gacmaha isku heysa isusoobax midow ah oo Muqdisho ay ka sameeyeen 1992-kii

11-kii bishii December ee sanadkii 1992-kii ayay labada hoggaamiye kala saxeexdeen heshiis nabadeed oo dhigayay in ciidamada iska soo horjeeday 48 saacadood lagaga bixiyo magaalada.

Cali Mahdi xilka madaxweynaha waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira lagu cusbooneysiiyay xilka.

Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha kaga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo hore wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.

Sanadihii dambe waxa uu ku mashquulsanaa howlo ganacsi oo uu ka waday magaalada Muqdisho. Wuxuu dhawaan dhameystiray dhismaha ugu dheer caasimadda, oo uu sheegay in ay leedahay xaaskiisa, laguna maalgaliyay dhaqaale kasoo xarooday dhinaca ganacsiga.

 

XIGASHO: BBC