Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala Saxeexday Heshiis Dayn Cafin ah

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxeexday Heshiis ku saabsan dayn deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaa Soomaaliya heshiiskan u saxeexay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Halka Talyaaniga uu heshiiskan u saxeexay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi. 

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala Saxeexday Heshiis Dayn cafin ah
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala Saxeexday Heshiis Dayn cafin ah

Heshiiska deyn cafinta ee ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa daba socda go’aankii dalalka Paris Club ama Naadiga Paris  ee Soomaaliya lagaga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

“Maanta waxa aan Dowladda Talyaaniga la saxeexanay heshiis Deyn Cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya lagaga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii. Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay Saxeexa maanta inoo suuro galay.”. Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loo dhamaystiri lahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha faraha badan ee wali lagu leeyahay.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in deyn badan Soomaaliya laga cafiyay sanadkii la soo dhaafay ee 2020-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.