Safiirka Mareykanka oo la kulmay madaxweynaha Jubbaland

 

Mugdisho(Aftahannews)-Safiirka Dowladda Mareykanka Donald Yamamoto ayaa hoyga uu degan yahay ku booqday madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in labada dhinac ka wada hadleen shirka dhawaan u furmaya madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo waliba gobolka Banaadir ee looga wada hadlayo arrimaha Doorashooyinka.

Bulshada caalamka ayaa cadaadis ku saareysa dhinacyada Soomaalida in ay ka heshiiyaan khilaafka ka taagan doorashada madaama uu dhamaaday muddo xileedka dowladda hadda jirta.

 

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.