Ardayda Salaama oo Muddaharaaday, Maamulahooda oo la Xidhay iyo Xukuumadda oo u Hanjabtay Dugsiyada gaarka ah

Hargeysa(Aftahannews) –Ardayda Dugsiga sare ee Salaama ee Wiilasha u gaarka ah ee magaalada Hargeysa, ayaa bannnbax ay kaga soo horjeedaan Amarro Maamulka Iskuulku ku soo rogay sameeyey Arbacadii maanta.

Maamulaha Dugsigaas, ayey Ciidanka Boolisku xidheen, Isla markaana Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo gaadhay Dugsiga Salaama ee muddaharaadku ka dhacay, ayaa warbaahinta la Hadley, isla markaana digniin adag u diray Maamulka iyo Mulkiilayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay sharci Jebin badan ku macaan, Ardaydana cabbudhiyaan, dibna looga yeeli doonin.

Tallaabadan maanta, ayaa ah tii labaad ee Ardayi ay samayso, waxaana toddobaadkii hore ay Ardayda Wiilasha ah ee Dugsiga sare ee Nuuradiin ay sameeyeen muddaharaad rabshado watay oo ay ku burburiyeen agabkii Dugsigaas.

Haddaba, Warkaas oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:- 

Faah-faahino dheeraad     Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland