Maxkamadda Kenya oo go’aan ka gaadhay dacwad Qaxoonti Soomaali ahi u gudbiyeen

Nairobi(Aftahannews):- Maxkamadda Sare ee Kenya, ayaa go’aan ka gaadhay tallaabada ay dawladda dalkaasi shaacisay inay dib ugu celinayso Qaxoontiga Soomaalida ah ee waddankeeda ku dhaqan, gaar ahaan magaalada Nairobi Xeryaha Qaxoontiga ee ay ka shaqo-tageen.

kenya-court

Dawladda Kenya, ayaa bilihii u dambeeyeyna Kenya ay dhibaatooyin laxaad leh iyo tacaddiyo is-daba-joog ah ay si badheedh ah Ciidammadeeda ammaanku ugula kacayeen Soomaalida Sharciga ku jooga iyo kuwa aan sharciga ku joogin-ba, waxaanu go’aankani yimi ka dib dacwad ay qaxoonti Soomaali ah oo dalkaas ku dhaqani u gudbiyeen Maxkamadda.

Maxkamadda sare ee wadanka Kenya ayaa ku amartay Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku,  in uu joojiyo qorshaha dadka qaxoontiga ah ee magaalooyinka jooga dib loogu celinayo Xeryaha qaxoontiga, illaa iyo inta laga dhageysanayo dacwad ay Maxakamadda u soo gudbiyeen dad dhibbanayaal ah oo qaxoonti Soomaaliyeed ah.

Amarkan oo uu soo saaray Garsooraha Maxkamadda sare ee Kenya David Majanja, ayaa soo xabay ka dib markii Sagaal qof oo qaxoonti Soomaali ahi ay u gudbiyeen dacwad Maxakamadda, isla markaana ay ku doodeen, kuna cawdeen in ay ganacsi xoog leh ka abuureen Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyaga oo ka duulaya soo dhawayntii ay dawladda Kenya ay u samaysay dadka Soomaalida ah ee ku saabsanaa in ay maalgashi ka samaystaan dalka Kenya.

Dadka Soomaalida ah ee dawcadda u gudbiyay Maxaamadda Sare ee dawladda Kenya, ayaa ku dooday in amarka dib loogu celinayo dadka Soomaalida ah Xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga iyo Dastuurka Kenya waddanka Kenya u degsan midna.

Waxa lagu wadaa in dacwadda ay Maxkamadda un soo gudbiyeen dadkan qaxoontiga ah ee Soomaalida ah ay maxakamaddu bilaabi doonto dhegaysigeeda 27-ka bishan May ee aynu ku jirno ee sannadkan 2014-ka, iyada oo ay goob-joog yihiin dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta qaxoontigu. Soomaalida qaxoontiga ah ee ku nool Xaafadda ISLII, ayaa magaalada Nairobbi ka samaystay Ganacsi baaxad leh oo ay Booliska magaaladaasi boob iyo dhibaatayn kaleba ku hayaan.

Dawladda Kenya, ayaa dhibaatooyin silsilad ah oo is-daba-taxan oo kuwo siyaasadeed iyo kuwo bina-aadaminnimo-darro isugu jira kula kacaysay dhawaanahan dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku dhaqan iyo dawladda Soomaaliya-ba, kuwaasoo ay si aan qarsoodi iyo gabbasho toona lahayn u muujisatay Kenya, ka dib markii uu xata Madaxweynaha Kenya sheegay inay Soomaalidu Kenya duullaan ku yihiin laba toddobaad ka hor.

Ciidammada dawladda Kenya ee Booliska iyo Millateriga, ayaa dil, dhac, boob, xadhig, Kufsi iyo mastaafurin-ba ku haya Soomaalida oo xataa gaahay inay xidheen Qunsulkii Soomaaliya u fadhiyey Kenya, iyagoo arrimahani sababay inay Soomaaliya u yeedhato Safariirka iyo Safiir Ku-xigeenka u fadhiyey Safaaradda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, inkasta oo uu Madaxweynaha Soomaaliya toddobaadkii hore sheegay in wadahadal u socdo labada dhinac, haddana Kenya waxay u muuqataa mid duullaan ku ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.