Maxaa keenay in Nin Soomaali ahi ku noolaado waddooyinka Faransiiska?

Hargeysa (Aftahannews)- Nin Soomaali ah oo ku nool dalka Faransiiska ayay danta ku khasabtay in uu ku noolaado waddooyinka dalkaas kadib markii labo dal ka tirsan Yurub ay u diideen inay magangelyo siiyaan, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka Turkiga ee Anadolu.

Axmed Maxamed ayaa Anadolu u sheegay in Faransiiska uu diiday in magangelyo uu siiyo kadib markii 2 sano uu sugayay codsi uu dirsaday isla markaana waxaa xoog lagaga saaray xarun la geeyo dadka magangelyada la siiyo.

Wuxuu sheegay in Belgium ay meesha ka saartay codsi uu uga raadinayay magengelyo, muddo 11 bilood ah ayuu ku sugnaa xeryo cidhiidhi ah oo ay ku sugan yihiin dad muhaajiriin ah.

Wuxuu intaas ku daray in kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda racfaanka balse mar kale loo diiday in magangelyo la siiyo, sanadkii 2017-kii ayuu dib ugu soo laabtay Faransiiska.

“Waxaan ku suganahay xaalad daran, waxay iiga tageen in aan ku noolaado waddooyinka xilliggan uu dunida saameeyay cudurka safmarka ah, nolosheyda halis ayay ku jirtaa, dib ugama laaban karo dalkeyga” ayuu yidhi Maxamed oo u warramayay wakaaladda wararka ee Anadolu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland