Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka 2014-ka

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa ku meel-mariyay kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho miisaaniyad-sannadkeedka 2014-ka ee ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Miisaaniyadda sannadkan oo doodo adag ay mudanayaasha baarlamaanku ka yeesheen ayaa ugu dambeyn maanta la meel-mariyay, inkastoo xildhibaannadu ay dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen qaabka loo soo diyaariyay.

Codeynta kaddib ayaa guddoomiye ku ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar wuxuu ku dhawaaqay in miisaaniyadda ay ansax tahay ayna codka kalsoonida ah siiyeen 162-mudane oo ka mid ahaa xubnihii kulankii saaka xaadiray.

“Waxaa codka kalsoonida ah siiyay miisaaniyadda 162 xildhibaan, toddoba way diideen, saddex kalena way ka aamuseen,” sidaas waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur.

Baarlamaanka-Soomaaliya1

Dhanka kale, wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda, C/llaahi Axmed Nuur hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in miisaaniyadda ay bilooyin ka doodayeen xildhibaannada, balse ugu dambeyn maanta la meel-mariyay.

Miisaaniyadda sannadkan 2014-ka ee ay soo gudbisay xukuumadda Somalia ayaa wuxuu cadadkeedu yahay in ka badan 128-milyan oo doolarka dalka Mareykanka ah, iyadoo ay xildhibaannada qaarkood dhaliileen mushaaraadka iyo gunnooyinka askarta dowladda loo qoondeeyay.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaiya/Office.