Qaramada Midoobay oo Walaacsan in Britain Dhimayso Gargaarka ay Siiso Dalal Soomaaliya ku jirto

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters

New York (Aftahannews) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters ayaa war laga naxo ku tilmaamay in dowladda UK ay xilligan jarto maalgalinta ay ku bixiso barnaamijyada gargaarka ee dalalka Soomaaliya, Yemen iyo koonfurta Sudan.

UK, ayaa qorshaynaysa in ay 60% dhimis ku sameyso taageerada ay ku bixiso gargaarka Soomaaliya, halka sidoo kale ay jarayso 59% taageerada ay siiso Koonfurta Suudaan, 45% dalka Yemen iyo 67% oo ah Suuriya.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe qaar ka mid ah dalalka ugu saboolsan uguna colaadda badan adduunka looga jari doono kala badh barnaamijyadooda gargaarka ee UK.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters

Xafiiska arrimaha dibedda ayaa sheegay, in saameynta masiibada ku habsatay dhaqaalaha UK, ay ku qasabtay in ay qaataan go’aanno adag, oo ay ka mid tahay in si ku meelgaadh ah loo dhimo lacagta ay ku bixiyaan gargaarka.

Xoghayaha guud ee QM, António Guterres, ayaa ku tilmaamay guud ahaan jarista barnaamijka gargaarka ee Qaramada Midoobay ee ay taageerto UK, “xukun dil ah”.

Qaar badan oo kamid ah hay’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ee taageerada ka hela UK, ayaa lagu wargaliyay in ay ay la kulmidoonaan dhimis dhaqaale, waxaana loo sheegay in ayna sanadkan sameynin wax ballanqaadyo maaliyaddeed ah. 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.