Soomaaliya: Carruur Harraad ugu Dhimatay Degmo Al-Shabaab Go’doomisay

Ceelwaaq (Aftahan) – Warar ka imanaya degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya inay halkaa ka jirto xaalad Bani-aadanimo oo aad u daran.

Degmada Ceelwaaq ayaa ku jirta go’doon ay saartay Kooxda Al-shabaab waxaana degmadaasi iyo nawaaxigeeda laga soo sheegaya Abaaro baahsan oo halkaasi ka jira.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in laba Carruur ahi ay haraad u dhinteen xaaladduna tahay mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa.

Guddoomiye Sahal ayaa codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaadhi dadka ku nool degmada Ceelwaaq iyo tuulooyinka hoos yimaadda oo xaaladdoodu tahay mid aad u liidato.

Dhawaan ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay in Abaaro ba’an ay ka jiraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo kuna dhawaaqday guddi gaar ah oo qaabilsan wax ka qabashada xaaladaha Bani’aadanimo ee ka taagan gobolka Gedo.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office