Ku Dhawaad 50 Ruux oo Ku Dhaawacmay Dab ka Kacay Mac-had Hargeysa ku yaalla

Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo ka hawlgalay fountain gubatay
Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo ka hawlgalay fountain gubatay

Hargeysa(aftahannews):- 48 Qof ayaa ku dhaawacmay Dab xooggan oo maanta ka kacay Machadka Culuumta Diinta ee Dacwa , oo ku yaalla Xaafada daruuraha agagaarka Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo ka hawlgalay fountain gubatay
Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo ka hawlgalay fountain gubatay

War Qoraal ah oo ay soo saareen Ciidanka Dab demisku waxay sheegeen inay si deg deg ah uga hawlgaleen la tacaalida dabkaas iyo samata bixinta dhamaan dadkii ku sugnaa Mac-hadkaas iyadoo intii dhaawacantay la geeyay cisbitaalka guud.

Dadka ku dhaawacmay Dabkan ayaa isugu jiray 40 dumara iyo 8 raga, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari Dabdemiska ka tiirsan.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen in bulshadu ay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay arday gaadhaysa 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhamaan ardaydaas.

Dhismahan ayaa ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid,Ardayda dhaawacu soo gaadhay ayaa dhaawacadu sababay daadgurayntii iyo iyagoo iska soo tuuray qaarkood dabaqa sare, ka hor intii aanuu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, Warku waxa uu intaas ku darayaa inay jiraan arday ku neef qabatoobay qiiqii Dabkaa ka dhashay.              

Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya oo baadhaya Ciidanka police ka Somaliland.

Geesta Kale Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaalla xaafada Jameecada ee degmada Maxamuud Haybe.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guriga intiisa kale,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay, waxaana hawlgalkan ka qayb qaatay ciidamada ka hawlgala xarunta ciidanka dab-demiska ee degmadda Maxamuud Haybe iyo ciidanka shaqada heeganka maalinimo ee taliska guud.

Xigasho Solnanews.