Somaliland: Guddiga doorashooyinka oo Shaaciyey Bilawga Qaybinta Kaadhka Codbixinta iyo Gobollada ugu horreeya

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey wakhtiga la bilaabayo qaybinta Kaadhka codbixinta doorashada iyo gobollada ugu horreeya ee laga bilaabayo.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac Oo manta Hadley, ayaa Sheegay in 11ka bishan Maarso qaybinta Kaadhadhku ka bilaabmi doonto gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag.

Haddaba, Guddoomiye Riyo-raac oo sharraxaya sida hawshu u bilaabmayso, Farriimona u kale diraya qaybaha Bulshada, Ciidammada Ammaanka iyo Hawlwadeennada doorashada, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.