Midawga Musharrixiinta oo Baajiyey Bannaanbixii Sabtida oo Farmaajo Ciidammo u Diyaarsaday & Jawaabta Xukuumadda

MIDAWGA MUSHARRAXIINTA SOMALIA OO BAAJIYEY BANNAANBIXII SABTIDA 6-03-2021
MIDAWGA MUSHARRAXIINTA SOMALIA OO BAAJIYEY BANNAANBIXII SABTIDA 6-03-2021

Muqdisho(aftahannews):- Midowga Musharixiinta madaxtinnimada Soomaaliya u taagan, ayaa sheegay caawa inay baajiyeen Bannaanbax loo ballansanaa in Sabtida Berri uu ka dhaco Taallada Dal-jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay dowladdu culays saartay isu-socodka, isla markaana ciidammo ka hortaga bannaanbaxa diyaarisay.

MIDAWGA MUSHARRAXIINTA SOMALIA OO BAAJIYEY BANNAANBIXII SABTIDA 6-03-2021
MIDAWGA MUSHARRAXIINTA SOMALIA OO BAAJIYEY BANNAANBIXII SABTIDA 6-03-2021

Guddoomiyaha Midawga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay garab joogeen Xubnaha kale ee Midawga Musharrixiintu, ayaa caawa Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isla markaana waxa uu sheegay in sababta ay sidaa u sameeyeen ee ay bannaanbaxa u baajiyeen tahay, ka dib markii ay Xukuumaddu ka baxday ballantii ay galeen, isla markaana ay dareemeen culays dhinaca nabad-galyada ah.

“Waxaan isku qaban-qaabineyn muddaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay muddahaaraadka kulligood waxa la geeyay ciidammo, taasoo ka baxsan ballantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxaanay muujineysaa doodda Musharrixiinta ee arrinta amniga.” sidaa ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku daray; “Madasha Murashaxiintu waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii, lagana shaqeeyo xilli ay soo goynayaan murashaxiintu, amnigana iyagu ay sugayaan. Dadka abaabuleyaasha, taageerayaasha, shacabka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan uga mahad celineynaa dadaalka iyo dhabar-adeyga ay qaadeen arrintaas.”

Madaxweynihii Farmaajo ka horreeyey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee Musharrixiinta, ayaa isna ka hadlay nidaamka dowladda iyo baajinta bannaabaxoodii Sabtida, waxaanu yidhi; “Dood dheer kaddib annaga iyo xukuumadda waan ku heshiinnay in bannaan baxa la dhigo, way aqbaleen. Halkaas ayadoo ay taagan tahay, amnigiina aan ku wareejinnay, annagana qabanqaabadeennii caadiga ahayd aan ku jirno ayaa maanta waad ka war qabtaan Daljirka wuu xiran yahay. Ma aha Daljirka kaliya balse magaalada oo dhan baa xidhan.”

Xasan Sheekh waxa uu sheegay inay dowladda waqtigu ka dhammaaday Xero ciidan ka dhigtay Daljirka Dahsoon ee ay doonayeen in ay muddaharaadka ku qabsadaan, waxaanu yidhi; “Lambar afar ka billow illaa waqooyiga Muqdisho meesha ugu dambeysa magaaladu way xidhan tahay. Ciidan ayaa lagu daadiyay, waddooyinkii ayaa la xidhay. Daljirka ciidan badan ayaa la dhoobay, xero ciidan ayaaba laga dhigay Daljirkii bannaanbaxa loo qabanqaabinayay.” 

Geesta kale, Dowladda wakhtigeedu dhammaaday ee federaalka Soomaaliya, ayaa dhankeeda soo dhawaysay go’aanka Midawga Musharrixiintu ku baajiyeen bannaanbaxa loo ballansanaa Sabtida berri.

Wasiirka Amniga Xukuumadda SoomaaliyaXassan Xundubey Jimcaale oo hadlay, ayaa sheegay in sababta ciidammada loo geeyay Daljirka Dahsoon tahay sugidda Amniga, maaddaama dowladdu mas’uul ka tahay nabad-galyada dadka dibedbaxaya.

Wasiir Xundubay, waxa uu ku dooday inay Musharrixiintu doonayeen inay la wareegaan ammaanka goobta bannaanbaxu ka qabsoomayo, taasina ay meesha ka saarayso masuuliyaddii nabadgelyada ee dowladda, waxanau yidhi; “Dowladdu iyadoo tixgalineysa caafimaadka iyo in amnigu dhibaato badan ka imaan karto markii horeba ra’yegeedu wuxuu ahaa inaan mudaharaad loo baahneyn, oo xoogga iyo xoolaha aan mudaharaad galineyno loo baahan yahay inaan gelinno oxygen inaan kusoo gadanno. Walaalaheen maanta waxay ku dhawaaqeen in ay mudaharaadkii joojiyeen, aad iyo aad ayan usoo dhaweyneynaa.”

“Dowladdu way oggolaatay in ay murashaxiinta mudaharaad ku qabsadaan Daljirka Dahsoon. Arrintii Farsamada iyo qabashada dibadbaxa markii la gaaray waxay ku adkeysteen in ay dhahaan ‘goobta amaankeeda waa in aan annagu la wareegno’, taasina way ku adkaatay dowladda, sababtoo ah dowladdu ayadaa mas’uul ka ah wixii meeshaas ka dhaca.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Amniga Soomaaliya.

WASIIRKA AMNIGA SOOMAALIYA XASAN XUNDUBAY
WASIIRKA AMNIGA SOOMAALIYA XASAN XUNDUBAY

Dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya, ayaa hore weerar ugu qaadday Huteelka Ma’ida ee magaalada Muqdisho oo ay degganaayeen Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka wada tirsan Midawga Musharrixiinta 19-ka bishii 2-aad ee sannadkan, halkaas oo ay degeen galabnimadii bishaasi 18-ka ahayd, iyagoo saqdhexe Ciidanku weeraray, si loo baajiyo bannaanbax 19-ka ka qabsoomi lahaa Taallada Dal-jirka Dahsoon.

Waxaa waddooyinka gala Taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho iyo kuwa ka baxa lagu arkayey caawa illaa gelinkii dambe ee Jimcaha ciidammo badan oo la geeyey, kuwaas oo xataa ka celinaya Gaadiidka Dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala Taalladaas oo ay amar ku siinayeen inay dib uga noqdaan.

Sidoo kale, Ciidammada dowladda oo meel kasta oo Muqdisho ah la dhoobay maalintaas, waxay rasaas nool kala hortageen Musharrixiin iyo Dad bannaanbaxa subaxdaas loo ballansanaa ka soo bilaabay meelo Muqdisho ka mid ah, iyadoo lagu eedeeyey Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday 8-dii Febraayo ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu yahay Kelidii taliye doonaya inuu qori ku maamulo Dalka, isagoo waqtigii la doortay ku dhammaaday 8 Febraayo 2021, isla markaana muddo-kordhin iyo heshiis laysla qaatay midna aan kursiga ku fadhiyin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.